Madaxweynaha dowladda goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa sheegay in mamulkiisu uu ku howlanyahay samaynta lacag u gaar ah, ka dib markii la waayay lacag qaran oo hannaanka federaalka ku salaysan sida uu sheegay.
Deni ayaa sheegay inay Puntland go’aansatay in inta lagu jiro sanadka soo socda ee 2025 ay samaysato lacag u gaar ah, arrintaasna ay daraasaddeedu hadda socata oo ay masuuliyiinta maamulkaasi wadaan.
Puntland ayaa horay u dib daabacis ugu samaysay lacagta shillin Soomaaliga ah, balse sanado ka dib suuqa ayay ka baxday ka dib sicir barar ka dhacay deegaanadaas, waxaana hadda maamulkaas iyo meelo kale oo dalka kamid ah laga adeegsataa lacagta danabaysan oo keliya.




From the comments