Wefdi ka socda dowladda Soomaaliya oo uu hoggaaminayo Wasiiru-Dowlaha Arrimaha Dibadda, Mudane Cali Maxamed Cumar (Cali Balcad), ayaa maanta gaaraya magaalada Addis Ababa ee caasimadda dalka Ethiopia, si ay u sii ambaqaadaan heshiiskii Ankara ee dhexmaray madaxda labada dal.
Ujeedka socdaalka wafdigan ayaa ah xoojinta xiriirka ku dhisan is-ixtiraam iyo wada-shaqeyn dhexmarta Soomaaliya iyo Itoobiya.
Dawladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay ka go’antahay inay xiriir wanaagsan la yeelato dalalka deriska ah, iyadoo xiriirkaas saldhig looga dhigayo ixtiraamka buuxa ee midnimada, iyo wadajirka dal kasta. madaxbannaanida




From the comments