Dagaal ayaa ka socda deegaanka Jiicbor ee gobolka Mudug sida ay xaqiijiyeen dadka deegaanka ee halkaasi ku sugan.
Dagaalka ayaa ka bilowday dhul daaqsimeed muran xooggan uu ka taagan yahay. Dagaalka oo u dhaxeeya laba beelood oo wada dega halkaasi ayaa sababay khasaare xooggan oo soo kala gaaray dhinacyada dagaalamaya.
Wararka laga helayo goobta ayaa sheegaya in ay jiraan dhimasho iyo dhaawac badan oo soo gaaray labada dhinac, inkastoo tirakoob rasmi ah wali la helin.




From the comments