U bood dhigaalka

Dowladda Soomaaliya  oo dadaal xooggan gelinaysa soo qabashada maleeshiyaadkii askarta ku laayay deegaanka Ceelbaraf

Dowladda Soomaaliya ayaa amartay in 48 gudohood lagu soo qabtay dadkii ka dambeeyay dilka 6 askari oo ka tirsanaa ciidanka xoogga dalka, kuwaas oo lagu xasuuqay deegaanka Ceelbaraf ee gobolka shabeellada dhexe, xilli ay halkaas safar ku marayeen.

Dowladdu waxay shegtay in kuwii dilkaas bahalnimada ah kula kacay askarta naf hureyaasha ah si deg deg ah sharciga loo horkeeni doono, waxaana deegaanka falku ka dhacay gaaray taliyaasha nabad sugidda iyo dhulka ee ciidamada qalabka sida, kuwaas oo ka howl-gali doona soo qabashada dadkii ku lugta lahaa dhacdadan argagaxa leh.


Wasiirka gaashaandhigga xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur oo shir jaraa’id qabtay ayaa sheegay in dowladdu ay tillaabo adag ka qaadi doonto kuwii ku lugta lahaa gumaadka askartii difaaca dadkooda iyo dalkooda wax walba u hurayay, balse sida arxanka daran loo laayay.

Dhanka kale wasiirku wuxuu ciidanka xoogga dalka ugu baaqay inay is dajiyaan oo dhacdadani aanay saamayn ku yeelan howsha adag ee ay qaranka u hayaan, falkana ayaana noqday mid bulshada Soomaaliyeed ay si weyn uga carootay.