Punltland oo sheegtay inay dishay 8 xubnood oo ahaa ajaanib ka garab dagaalayay kooxda Daacish
Faahfaahin dheeraad ah, ayaa kasoo baxaysa dagaal deegaanka Dharjaale ee gobolka Bari ku dhex maray ciidanka dowlad goboleedka Puintland iyo dagaalamayaal ka tirsan Kooxda Daacish ee ku sugan buuraleyda Calmiskaad.
dagaalka ayaa la sheegay inuu ku bilowday weerar qarax ah oo uu fuliyey gaari laga soo buuxiyey walxaha qarxa oo lagu weeraray fariisin kamid ah kuwa ciidamada Puntland, ka dibna is rasaasayn toos ahi dhex martay labada dhinac.
Afhayeen u hadlay ciidanka Puntland ayaa sheegay inay dileen 8 xubnood oo Ajaaniib ah, kuwaas oo kamid ahaa kooxda weearka soo qaaday, asagoo sheegay inay dagaalamayaasha Daacish jab xooggan gaarsiiyeen.
Muuqaalo lagu baahiyey baraha bulshada oo ay duubeen Askar ciidanka Puntland ee isticmaala Aaladaha Internet ka ayaa muujinaya maydadka dad lagu sheegay Anaajiib ah oo ku dhintay dagaalki saaka dhacay.
Puntland ayaa maalmihii la soo dhaafay abaabulaysay guluf iyo duullaan aad u ballaaran oo ay sheegtay inay gobolka bari iyo guud ahaan deegaanada maamulka uga saarayso kooxaha Daacish iyo Alshabaab.