Qaar kamid ah oo culamada Soomaaliyeed ayaa baaq nabadeed ka soo saaray dagaal beeleedyada meelo dalka kamid ah ka jira, ayagoo sheegay in cuquubooyin iyo cirib-xumo laga dhaxlo daadinta dhiigga dadka muslimka ah.
Culumada ayaa farriin adag u diray dad la sheegay inay colaadaha maal-gelinayaan oo ay dhaqaalo iyo hub ku bixinayaan, si ay ugu gaaraan ujeedooyin ayaga u gaar ah oo ay hiigsanayaan.
Shiikh Abuukar Xasan Maalin oo kamid ah culamada ugu caansan geyiga Soomaaliya ayaa sheegay in qof kasta oo dagaal beeleed ka qeyb-gala, islamarkaana wax dila ama la dilaahi uu cadaabta aakhiro gali doono, wuxuuna ku baaqay in la joojiyo qabyaaladda laysku laynayo.




From the comments