U bood dhigaalka

Masuuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya oo Muqdisho ku yeeshay shir ku saabsan fududaynta Arrimaha ganacsiga

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa guddoomiyey kulankii ugu horreeyey ee ay yeeshaan Guddiga Fududeynta Arrimaha Ganacsiga Soomaaliya (NTFC) oo ka kooban 18 xubnood oo isugu jira Wasaarado iyo Hey’addo Dowladdeed.

Kulanka, ayaa lagu soo bandhigay warbixinno la xiriira sidii ay Soomaaliya ugu biiri lahayd Hey’adda Ganacsiga Adduunka ee (WTO), oo dhaqaalaha Soomaaliyeed u abuuri kara fursad weyn oo kobac dhaqaale ah.

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka, Mudane Cabdisalaan Cali, ayaa xubnaha guddiga ee kulanka ka qeyb galay kula dardaarmay sidii ay u yeelan lahaayeen wada-shaqeyn dhow, si looga faa’iideysto fursadaha jira, maadaama ay Soomaaliya xubin ka tahay ururro waaweyn oo ganacsi iyo dhaqaale.