U bood dhigaalka

Maxay ka wada-hadleen wasiirrada arrimaha dibedda Soomaaliya, Masar iyo Eritrea?

Wasiirka arrimaha dibedda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Axmed Macallim Fiqi ayaa ka qayb-galay shirkii labaad ee Guddiga Saddex-geesoodka ah ee Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya, Masar, iyo Eritrea, oo ka dhacay magaalada Qaahira.

Intii lagu guda jiray shirka, waxaa si qoto dheer looga wada-hadlay sidii loo xoojin lahaa iskaashiga wadajirka ah iyo heerka wada-shaqeynta  u dhexeysa saddexda dal, iyadoo la fulinayo go’aamadii kasoo baxay shirkii Asmara ee dhacay 10-kii Oktoobar 2024. Waxaa sidoo kale laga arrinsaday hababka lagu hirgelinayo go’aamadii hore ee laga gaaray shirarkii hore, iyo sidii loo furi lahaa fursado cusub oo ka tarjumaya rajada iyo himilooyinka shucuubta saddexda dal.

Kulanku waxaa diiradda lagu saaray muhiimadda iskaashiga istiraatiijiga ah ee lagu gaarayo nabadda iyo xasilloonida gobolka Geeska Afrika iyo Badda Cas, oo ay ku jirto iskaashiga u dhexeeya Soomaaliya iyo Masar si loo taageero dadaallada nabad ilaalinta iyo dhismaha nabadda ee Soomaaliya.

Sidoo kale kulanka waxaa lagu falanqeeyey kaalinta Masar ee ku aaddan hawlgalka Midowga Afrika ee taageeraya Soomaaliya (AUSSOM), kaas oo ciidamada dalkaasi ay qeyb ka noqanayaan.

Dhinaca kale, Wasiirrada Arrimaha Dibadda seddaxda dal ayaa ka wada-hadlay xaaladda Sudan iyo saameynta gobolka, iyadoo taageero lala garab istaagayo shacabka reer Sudan si loo ilaaliyo hay’adahooda qaran iyo hantidooda qaranka.

Shirka seddaxda wasiir arrimo dibedeed ayaa soo gaban-gaboobay xilli madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya uu ku suganyahay dalka Itoobiya, halkaas oo uu kulamo durbadiiba heshiisyo lagu gaaray kula yeeshay Ra’iisul Wasaaraha dalkaas.