Wasiirka Beeraha XFS oo soo bandhigay qorshe ay Soomaaliya uga bixi karto dhaqaale xumada
Wasiirka wasaaradda Beeraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Csbdi Xayir (Maareeye) ayaa sheegay in uu jiro hannaan ay Soomaaliya uga bixi karto Saboolnimada iyo kaalmada shisheeye ee magac xumada u horseeday.
Wasiirka ayaa sheegay in Soomaaliya ay dhoofiso kalluunka baddeeda ceegaaga ay sannadkii ka heli karto dhaqaale gaaeaya $1.8 Bilyan, taas oo ka saaraysa baahida, islamarkaana ay uga maarmi karto kaalmada shisheeye ee hagardaamadu ku larantahay.
Soomaaliya oo hadda ku tiirsan taageero dhaqaale oo ay dalalka reer galbeedka ka hesho, ayaa dhibane u ah dalalka kaalmadaas siiya, kuwaas oo saamayn xooggan ku leh siyaasadda iyo maamulka dalka.