Abwaan cabdulle Geedanaar oo goordhow ku geeriyooday magaalada Muqdisho
Allaha u naxariistee waxaa goor dhow geeriyooday Abwaan Cabdulle Geeda-naar oo kamid ahaa Suugaanyahannada waaweyn ee soomaalida, gaar ahaan Laashinnada.
Abwaanka oo la sheegay inuu maalmihii la soo dhaafay ku xanuunsanayay deegaanka Cali guduud ee gobolka shabeellada dhexe ayaa goordhow geeridiisa la xaqiijiyay sida laga soo xigtay eheladiisa.
Abwaanka ayaa tirin jiray suugaan guubaabo ah oo dhinaca nabadda iyo wacyi-gelinta u badan, waxaana si gaar ah loogu yaqaanay shiribka iyo guurowga oo uu aad ugu xeeldheeraa.
Guyrowga ugu caansan suugaantiisa ayaa lagu tilmaamay mid uu gabar kula hadlayay, kaas oo uu ka billaabay “
Maraan inya aroos maagayaan inan u sheekeeyay
Waxaan sii ag joogiyo waxay ii ilka caddayso
Waxaan iri adaa lagu rabaa laguna laminaye
Waxay tiri igaar maa i raba waa’se ina aayo ?
Waxaan iri ogaalkeed lahow waaba anigaane
Waxay tiri adduun ii dhinnaa oonan arag waaye
Waxaan iri ma way kula ahayn inaan aroosaayo ?
Waxay tiri igaar kaa qurxoon aaba la illaaway”
Allaha u naxariistee Abwaanka oo beri-samaadkii ku noollaan jiray magaalada Muqdisho ayaa wixii ka dambeeyay burburkii ku noolaa miyiga gobolka shabeellada dhexe, ugu dambeyna maanta ayuu geeriyooday.