Maxay tahay abaalmarinta Hoggaaminta ee la guddoonsiiyey madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud?
Sheeko:Warar & Warbixino
Madasha Afrika house ayaa madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya guddoonsiiyey Abaalmarinta Hoggaamineed ee Afrika, taas oo uu ay sheegeen inuu ku mutaystay kaalinta uu ka qaatay dowlad-dhiska, la dagaallanka Al-shabaab, iyo deyn cafinta Soomaaliya.
Abaalmarinta oo la xariirta dhiirigenta Arrimaha bulshada, hoggaaminta iyo ganacsiga, iyo go’aan qaadashada iyo ka go’anaanta waxqabadka ayaa lagu maamuusaa shakhsiyaadka sida firfircoon uga shaqeeyay hormarinta, maamul wanaagga, iyo ganacsiga.
Dadka la guddoonsiiyo abaalmarintani kuma koobna siyaasiyiinta ama madaxda, balse waxaa ku jira ganacsato, hoggaamiyaal bulsho, iyo kuwo u dhaqdhaqaaqa arrimaha hormarinta.