U bood dhigaalka

Booliska degmada dhooblay oo gacanta ku dhigay rag lagu eedeeyay ugaarsi sharci-darro ah.

Ciidanka Boolisk degmada Dhoobley ayaa gacanta ku soo dhigay Rag lagu eedeynayo Ugaarsi iyo ganacsiga sharci-darro ah oo ay ku hayeen Duur-joogta deegaankaas.

Falalkan ayaa halis weyn ku hayay Duur-joogta iyo Deegaanka, iyadoo horey loo mamnuucay laynta ugaarta iyo xaalufinta Deegaanka.

Taliyaha Amniga Guud ee Dhoobley, Gaashaanle Sare Maxamed Haybe Muxumed, ayaa sheegay in Raggan lagu soo qabtay howlgal qorsheysan, isla markaana la horgayn doono Cadaalada, Wuxuu ku booriyay bulshada in ay ka qeyb qaataan ilaalinta Duur-joogta iyo ka hortagga xaalufinta Deegaanka.