U bood dhigaalka

Sargaalkii dhowaan lagu dhex jirdiley golaha shacabka oo la dalacsiiyay

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi ayaa darajada Laba Xidigle u dalacsiiyay Xusseen Maxamed Xassan oo ahaa sargaalkii dhowaan uu u gacan qaaday mid kamid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka .

Sargaalkan ayaa 27-kii bishii November ee sanadkii tagey asagoo gudanaya waajibaadkiisa shaqo ee uu ka hayay xarunta Golaha Shacabka waxaa u gacan qaaday Xildhibaan lagu magacaabo Xasan faranbi, oo kamida ahaa mudaneyaal diidanaa ajandihii maalintaa goluhu ka doodayay.

Laba Xidigle Xusseen Maxamed Xassan ayaa dalacsiintan ku mutaystay siduu isku xakameeyey xilligii Xildhibaanku u gacan qaaday, asagoo keliya xoogga saarayay gudashada waajibaadkii askarnimo ee saarnaa.