Garoowe, Puntland – Ciidamada ammaanka ayaa magaalada Garoowe ku qabtay labo nin oo u dhashay dalka Ethiopia, kuwaas oo lagu tuhunsan yahay falal amni darro.
Sida ay ilo-wareedyo kala duwan xaqiijiyeen, mid ka mid ah ragga la qabtay ayaa xirnaa xijaabka dumarka, taasoo dhalisay tuhun xooggan.
Saraakiisha amniga ee Puntland ayaa sheegay in labada eedeysane ay hadda ku jiraan baaritaan, si loo caddeeyo sababta ay xijaabka ugu labbisteen iyo haddii ay ku lug leeyihiin falal halis ku ah amniga.




From the comments