Madaxweynaha Kenya oo xaaladda Soomaaliya uga warbixiyay Dowladda Mareykanka
Madaxweynaha Kenya ayaa sheegay inuu wadahadal dhanka telefoonka ah la yeeshay Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Maraykanka, Marco Rubio, iyagoo ka wada hadlay arrimo muhiim u ah labada dal.
Waxay si gaar ah uga wada hadleen heshiiska Strategic Trade and Investment Partnership (STIP) oo lagu doonayo in la xoojiyo maalgashiga, kobcinta dhaqaale waara, iyo furitaanka fursado dhaqaale oo cusub.
Sidoo kale, waxay isla falanqeeyeen howlgalka nabad ilaalinta ee Multinational Security Support (MSS) ee Qaramada Midoobay hoggaaminayso ee Haiti, iyagoo isku raacay istiraatiijiyad mideysan si howlgalkaasi u gaaro yoolkiisa.
Madaxweynaha Kenya ayaa xog ka siiyay Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Maraykanka xaaladda amni ee Soomaaliya, isagoo uga mahadceliyay taageerada ay Maraykanku siiyaan dadaallada Kenya ee nabad ilaalinta gobolka.
Maraykanka ayaa ballanqaaday inuu sii wadi doono bixinta taageerada uu siiyo Kenya si loo xoojiyo dadaallada nabadeynta ee gobolka, gaar ahaan Soomaaliya, Suudaan, iyo Koonfurta Suudaan.
Dhinaca kale, Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Maraykanka, Marco Rubio, ayaa amaanay doorka Kenya ay ka ciyaarayso nabadda iyo xasilloonida gobolka, gaar ahaan dadaallada lagu xasilinayo bariga Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo.