Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre¬, ayaa guddoomiyey Shirka Guddi-hoosaadka Golaha Wasiirrada ee Siyaasadda Loo Dhanyahay, kaas oo looga hadlayey dardargelinta taageeridda Doorashada iyo Dhammaystirka Dastuurka.
Kulanka ayaa lagu soo bandhigay dadaallada hirgelinta doorashada iyo sidii ay Xukuumaddu u qaaddan lahayd doorka kaga aaddan in dalka ay ka dhacdo Doorasho xor iyo xalaal ah, oo muwaadiniinta Soomaaliyeed siineysa xuquuqdooda Dastuuriga ah ee ah in ay wax doortaan, lana doorto.
Ra’iisul Wasaare Xamsa, ayaa faray xubnaha Golaha Wasiirrada ee ku jira Guddi-hoosaadka Siyaasadda Loo dhan yahay, in ay dardargeliyaan kaalintooda ku aaddan hirgelinta iyo fududeynta wax yaabaha loo baahan yahay, si ay doorashadu u hirgasho, iyada oo xoogga la saarayo wacyigelinta dadweynaha, si ay faham buuxa uga helaan muhiimadda ay leedahay in muwaadinku codkiisa u dhiibto si xor ah.




From the comments