Dar es Salaam, Tanzania – Madaxda Bariga Afrika ayaa shir aan caadi ahayn ka yeelanaya xaaladda ka taagan bariga Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Kongo, halkaas oo jabhado hubeysan ay ku fideen, taasoo abuurtay xiisad amni iyo mid bini’aadantinimo.
Shirkan oo ka dhacaya magaalada Dar es Salaam ee dalka Tanzania ayaa waxaa ka qayb-galaya madaxweynayaasha Tanzania, Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Kongo, Rwanda, Koonfur Afrika, Uganda, Soomaaliya, iyo Kenya.
Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa mar kale ku laabanaya Tanzania si uu uga qaybgalo shirka, kaddib markii uu halkaasi ka soo laabtay toddobaadkii hore.




From the comments