U bood dhigaalka

DFS oo aan weli ka hadlin qorshaha Trump ee falastiiniyiinta loogu soo rarayo Soomaaliya iyo Puntland oo soo dhawaysay

Xilli dhowaan warbaahinta caalamka ay si xoog leh u qabsatay arrinta ah in dadka falastiiniyiinta ah loo soo rarayo Soomaaliya, gaar ahaan Puntland iyo Soomaaliland, iyo meelo kale oo dunida kamid ah, ayay dowladda Federaalku weli arrintaas ka aamusantahay, halka Puntland ay sheegtay inay diyaar u tahay soo dhowaynta falastiiniyiinta.

Wargeyska Telegraph ee ka soo baxa dalka Ingiriiska oo xiganaya wasiir ku xigeenka Warfaafinta Puntland Yacquub Maxamed Cabdalla ayaa sheegay in dowlad goboleedkaasi uu diyaar u yahay soo dhowaynta dadka falastiiniyiinta ah, haddii ay iskood u imaanayaan, balse aysan jirin baahi keenayso in qasab lagu soo musaafiriyo.

Wasiir ku xigeenka ayaa sheegay in Puntland ay soo dhoweynta dadkaas ku helayso maqaam sare, taageero dhaqaale, iyo nabad-gelyo buuxda, sida uu wargeysku daabacay.

Dowladaha islaamka, iyo dalalka kale caalamka intooda badan ayaa qorshahan si adag u diiddan, balse dowladda Soomaaliya weli kama hadlin, inkastoo madaxda dalku ay horay u sheegeen inay taageersanyihiin in xalka falastiiniyiintu uu ku jiro helidda dowladda falastiiniyiintu ay leeyihiin oo madax-bannaan.