Madaxweynaha Turkiga oo Soomaaliya si weyn ugu maamuusay gurmadkii ay la garab istaagtay markii dhulgariirka ka dhacay dalkaas 2023
![](https://goobjoog.s3.eu-central-1.amazonaws.com/content/uploads/2025/02/09061325/Screenshot_20250209_061115_Facebook.jpg)
Madaxweynaha Dalka Turkiga, Recep Tayyip Erdogan, ayaa dowladda iyo dadka Soomaliyeed ku maamuusay, si weynna uga mahadceliyay taageeradoodii wax ka qabashada dhibaatadii ka dhalatay dhulgariirkii 6-dii Febraayo ee sanadkii 2023 ka dhacay dalkaas.
Munaasabad lagu xusayay sanad-guuradii labaad ee ka soo wareegtay dhulgariirkaas oo lagu qabtay Gobolka Adiyaman ee dalkaasi Turkiga, ayaa Madaxweyne Erdogan wuxuu u mahadceliyay dowladda iyo dadka Soomaaliyeed, isagoo xusay inay mar walba garab taagan yihiin Jamhuuriyadda Turkiga.
Madaxweynaha ayaa salaan u diray Madaxweynaha iyo dadweynaha Soomaaliyeed, Qunsulka Safaaradda Soomaaliya ee Turkiga Cabdirixiin Maxamuud ayaana Madaxweynaha ka guddoomay biladda Xasuusta ee gurmadkii Soomaaliya, isagoo uga mahadceliyey taageerada iyo garab istaaggeeda.