Ciidanka badda Soomaaliya oo maanta u dabbaaldegay 60 sanadguuradii aas-aaskooda
![](https://goobjoog.s3.eu-central-1.amazonaws.com/content/uploads/2025/02/10175726/Ciidanka-Badda-Soomaaliya.png)
Ciidanka badda iyo ilaalaada Xeebaha Soomaaliyeed ayaa maanta u dabaaldegay 60 sana-guuradii ka soo wareegtay markii la aas-aasay sanadkii 1965-tii.
Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda iyo saraakiisha ciidamada qalabka sida ayaa hambalyo u diray ciidankan oo kamid ah cutubyada ugu muhiimsan qeybaha uu ka koobanyahay geyshka Soomaaliyeed.
Ku simaha Taliyaha Ciidanka badda Gaashaanle Cabdiwaaxid Cali Afrax ayaa faahfaahin ka bixiyay sida ay ciidankani u shaqeeyaan iyo heerka ay awooddooda gaarsiisantahay markii la eego Mas’uuliyadda baaxadda leh ee ay u xilsaaranyihiin.
Gaashaanle Cabdiwaaxid wuxuu sheegay in ciidankan mas’uuliyaddiisu ay tahay ilaalinta Xeebaha iyo kheyraadka ku jira, islamarkaana beri-samaadkii uu lahaan jirey awood aad u sarraysa iyo gaadiid maraakiibta iyo doomo dheereeya isugu jira oo uu ku difaaci jirey dhammaan badda Soomaaliya gees ka gees, balse qalab iyo hub ku filan aanu haysan, hayeeshee wuxuu rajo ka muujiyay in saraakiil iyo askar aqoon ku filan hadda uu dalku haysto.
Dowladda Soomaaliya ayaa tobanaankii sanoo la soo dhaafay ku dadaalaysay qalabaynta iyo tababarka Ciidanka xoogga dalka, balse xilligan oo cuna-qabatayntii hubka dalka laga qaaday ayaa lays weydiinayaa waxa hor taagan in Ciidanka badda si wanaagsan loo qalabeeyo si ay difaaca baddeena cadowgu ku soo hiigsanayo awood buuxda ugu yeeshaan.