Hay’adda NRC ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in markii ugu horeysay taariikhdeeda, ay joojinayso howlaha bini’aadanimo ee ay ka fuliso ku dhowaad 20 dal oo ay colaado ka jiraan.
Tallaabadan ayaa jawaab u ah joojinta dhaqaalihii uu Mareykanka ku bixin jirey hawl-gallada bani’aadamnimo ee caalamiga ah, ka dib markii maamulka Trump uu ku dhawaaqay go’aan meesha looga saarayo taageeradii Mareykanka ee Hay’adaha gargaarka dunida oo ay WHO ugu horrayso.
20 dal ee ay NRC sheegtay inay joojinayso howlihii ay ka wadday ayaa waxaa kamid ah Afgaanistaan, Suudaan, Burkina Faso, iyo kuwo kale, waxaana laga cabsi qabaa in go’aankani uu Soomaaliya saameyn ku yeesho.




From the comments