Taliyaha Xarunta Isku-dubaridka Hawlgallada Wadajirka ah, Sarreeye Gaas Maxamed Cali Bariise, ayaa furay kulan looga arrinsanayay diyaar-garowga iyo ka hortagga saamaynta ka dhalan karta fatahaadaha la xiriira El Niño ee laga cabsi qabo inay dhacaan bilaha soo socda.
Kulanka oo ay soo qabanqaabisay Madaxa Hoggaanka Isku-xirka Shacabka iyo Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (CIMIC), Gaashaanle Sare Iimaan Maxamuud Cali, waxaa ka qaybgalay Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Maxamuud Macallin Cabdulle, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Cabdulkadir Cilmi Cali, guddoomiyeyaasha, guddoomiye-ku-xigeennada iyo xoghayeyaasha degmooyinka ay fatahaaduhu saamayn karaan, iyo qaar ka mid ah taliyeyaasha guutooyinka Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee ka hawlgala deegaannada laga cabsi qabo inay fatahaaduhu saameeyaan.
Intii uu kulanku socday, waxaa diiradda lagu saaray xoojinta wada-shaqaynta maamullada deegaannada, hay’adaha samatabbixinta iyo Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, si loo diyaariyo qorshe mideysan oo lagaga hortagayo khataraha fatahaadaha, looguna gurmanayo dadka rayidka ah ee ay saamayntu soo gaari karto.




From the comments