FAALLO — Hadalkii ugu dambeeyey ee Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka—SoDMA—Maxamuud Macallin Cabdulle, ee ahaa in Soomaaliya gargaar ka dalbatay dalal ay Ukraine ka mid tahay, wuxuu dib u soo celiyey su’aalaha ku saabsan ku-tiirsanaanta deeqaha iyo hufnaanta maamulka gargaarka.
Guddoomiyuhu wuxuu sheegay in fatahaadaha la filayo ay saameyn karaan 3.5 milyan oo qof, halka 1.2 milyan ay ku barakici karaan. Wuxuu Ukraine ku ammaanay inay codsiga Soomaaliya ka jawaabtay, inkasta oo dalkaasi dagaal kula jiro Ruushka.
Ukraine inay Soomaaliya caawiso qalad ma aha. Waxaase walaac dhalinaya in hay’ad qaran ay gargaar joogto ah ka dalbato dalal kale, iyadoo shacabka aan loo soo bandhigin qorshaha gudaha, miisaaniyadda dowladda iyo halka ay ku dambeeyeen deeqihii hore.
SoDMA waxay qabataa shirar isdaba-joog ah oo ku saabsan fatahaadaha, abaaraha iyo xaaladaha bani’aadannimo, balse dadweynaha looma soo bandhigo natiijooyin iyo saameyn la taaban karo oo ka dhalatay kulamadaas. Inta badan waxa la arkaa sawirro laga soo qaaday kulamada hay’adaha deeq-bixiyeyaasha, war-saxaafadeedyo guud iyo dalal cusub oo kaalmo la weydiistay.
Waxaase aan muuqan qorshayaal la fuliyey, kayd gurmad oo dhammaystiran, qalab samatabbixin oo la geeyey dhammaan goobaha halista ku jira ama warbixin cad oo muujinaysa halka ay ku dambeeyeen gargaarka iyo ballanqaadyadii hore.
Shir aan natiijadiisa la cabbiri karin, shacabka waxba uga beddelin, kuna dhammaada sawir iyo codsi deeqeed kale ma aha maareyn musiibo; waa ku-celcelinta fashil maamul oo loo ekaysiinayo waxqabad.
Jawaabaha laga rabo SoDMA waa kuwo cad: Maxaa lagu bixiyaa gargaarka la helo? Yaa la xisaabtama hay’adda? Immisa gargaar ah ayaa soo galay sannadkan? Degmooyinkee la gaarsiiyey, imisa qoys ayaana ka faa’iidaystay? Maxay yihiin kaydka raashinka, dawooyinka, doonyaha iyo gaadiidka samatabbixinta ee hadda diyaarsan?
SoDMA waxay sheegtay in baahida gurmadku gaareyso $208 milyan, halka la helay $7 milyan oo keliya. Hase yeeshee, dadweynaha looma soo bandhigin warbixin faahfaahsan oo muujinaysa halka dhaqaalahaas iyo gargaarrada kale lagu bixiyey, hay’adaha maamulay iyo natiijooyinka laga gaaray.
Guddoomiyuhu wuxuu hore u yiri: “Waxa laga hadlayo tiro keliya ma aha; waa dad.” Hadalkaasi waa sax, laakiin dadkaasi waxay sidoo kale xaq u leeyihiin inay ogaadaan waxa magacooda lagu soo codsaday, waxa lagu helay, halka la geeyey iyo cidda mas’uuliyadda qaybintiisa lahayd.
Maalin kasta oo lagu jiro gacan-hoorsi aanay la socon warbixin furan waxay dhaawacaysaa kalsoonida shacabka. SoDMA waa inay daabacdaa diiwaan muujinaya dhammaan lacagaha iyo agabka ay heshay, cidda bixisay, goobaha la geeyey, dadka ka faa’iidaystay iyo hay’adaha fuliyey qaybinta.
Ugu dambayntii, Soomaaliya waxay u baahan tahay hay’ad si dhab ah u maareyn karta musiibooyinka, ee uma baahna xafiis ku fashilma waajibaadkii qaran ee loo igmaday, dabadeedna ku tiirsanaada gacan-hoorsi aan isla-xisaabtan muuqda lahayn.
Haddii hoggaanka SoDMA uusan soo bandhigi karin aragti qaran oo lagu xoojinayo awoodda gudaha iyo qorshe cad oo loogu diyaar garoobayo El Niño, Dowladda Federaalka waa inay dib-u-eegis degdeg ah ku sameysaa maamulka sare ee hay’adda
ka hor inta aysan fatahaaduhu baabi’in nolosha malaayiin Soomaali ah oo muddo dheer sugayey gurmad dhab ah.
From the comments