Soomaaliya oo si adag u cambaareysay hadallada Israa’iil ee ka dhanka ah Boqortooyada Sucuudiga
![](https://goobjoog.com/content/uploads/2022/07/astaanta-qaranka-629x430-1.jpg)
Dowladda Soomaaliya ayaa si adag u difaacday Boqortooyada Sucuudi Careebiya, ka dib hadalkii Netenyaahu ee ahaa in Sucuudigu uu dhulkiisa balaadhan wax ka siiyo Falastiiniyiinta.
Dowladda Soomaaliya ayaa si adag u cambaareysay hadallada xanafta leh ee ka soo yeeray Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil ee ka dhanka ah Boqortooyada Sucuudiga.
Hadallada ayaa la xiriira dhismaha dowladda Falastiin iyo dhulkeeda. Soomaaliya waxay u aragtaa hadalladan xadgudub cad oo ka dhan ah sharciga caalamiga ah iyo ku tumasho Mabaadi’da Qaramada Midoobay.
Soomaaliya waxay si buuxda u garab taagan tahay Boqortooyada Sucuudiga, iyada oo caddeysay inay ka go’an tahay ilaalinta madax-bannaanida, xasilloonida, iyo ixtiraamka sharciga caalamiga ah.
“Dowladda Soomaaliya waxay mar kale xaqiijisay mowqifkeeda cad ee ku aaddan taageerada xuquuqda sharciga ah ee shacabka Falastiin, gaar ahaan xaqa ay u leeyihiin dhisidda dowladdooda madax-bannaan oo leh caasimad ay u tahay bariga Qudus, sida ay dhigayaan qaraarrada sharciga caalamiga ah” ayaa lagu yiri war kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya.
Soomaaliya waxay si adag u diiday qorshe kasta oo lagu doonayo in si khasab ah looga barakiciyo shacabka Falastiin dalkooda, waxayna caddeysay in ficilladaas ay yihiin xadgudub weyn oo ka dhan ah xeerarka bani’aadamnimada iyo caqabad hor leh oo ku ah dadaallada lagu doonayo in lagu gaaro nabad waarta oo caddaalad ku dhisan gobolka.