Saakay aroortii ayaa koox hubeysan oo kasoo jeeda deegaanka Wabxo waxay weerar gaadmo ah ku qaadeen qoys kasoo jeeda Guriceel oo daganaa inta u dhexeysa deegaanada Ceel-Yaasiin iyo Ceel-baxaay.
Weerarkan ayaa sababay dhimashada laba qof, oo midkood dumar ahayd, halka gabadh yar oo ka mid aheyd qoyska ay ku dhaawacantay.
Lama oga sababta rasmiga ah ee weerarkan, hase yeeshee, waxaa la tuhunsan yahay inuu salka ku hayo colaado beeleed.




From the comments