Wajiga koowaad ee wadahadallada farsamo ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Itoobiya, oo qayb ka ah Bayaan-wadajirka Ankara ee la ansixiyay 11-kii Diseembar 2024, ayaa maanta ka qabsoomay magaalada Ankara.
Wadahadalladan waxaa martigeliyay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Turkiga, Mudane Hakan Fidan, iyadoo ay ka qeybgaleen wefdi uu hoggaaminayay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Itoobiya, Mudane Dr. Gedion Timothewos, iyo wefdi uu hoggaaminayay Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya, Mudane Cali Maxamed Cumar.
Maanta, inta lagu guda jiray wajiga koowaad ee wadahadallada farsamo, labada dhinac waxay muujiyeen sida ay uga go’an tahay fulinta qodobbada Bayaan-wadajirka Ankara.




From the comments