U bood dhigaalka

Puntland oo Fasaxday isticmaalka lacagta$50

Sheeko:War

Bangiga maamulka Puntland ayaa si rasmi ah u shaaciyey in dib loo fasaxay isticmaalka lacagta $50, taasoo horay looga mamnuucay suuqyada Puntland tan iyo 2021.

Sababta mamnuucidda hore waxay la xiriirtay lacag been abuur ah oo la geliyay suuqa, taasoo keentay in la hakiyo isticmaalkeeda.

Sida lagu sheegay war-saxaafadeedka Bangiga Dowladda Puntland:

Dib-u-fasaxista isticmaalka $50 – Bangiga Puntland wuxuu shacabka wargelinayaa in lacagta $50 si caadi ah loo isticmaali karo, iyada oo aan wax shuruud ah lagu xirin, sida lacagaha kale ($100, $20, $10, $5).

Waajibaadka hay’adaha maaliyadeed iyo ganacsatada – Waxaa amar lagu siiyay dhammaan bangiyada, shirkadaha xawaaladaha, shirkadaha isgaarsiinta ee bixiya adeegyada lacagaha elektarooniga ah iyo ganacsatada in ay aqbalaan lacagta $50 sida lacagaha kale.

Xaqiijinta iyo ka hortagga lacagaha been abuurka ah – Waxaa la faray in hay’adaha shaqada leh ay si degdeg ah u qabtaan lacagaha looga shakiyo been abuur, si looga hortago khataraha dhaqaale ee ka dhalan kara.