U bood dhigaalka

Dowladda Soomaaliya oo si buuxda u garab istaagtay Xukuumadda Suudaan ee Milateriga

Sheeko:War

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay mar kale xaqiijinaysay taageeradeeda buuxda ee midnimada, xasilloonida, iyo wadajirka Jamhuuriyadda Suudaan.

Soomaaliya waxay si cad u muujisay in la ixtiraamo madax-bannaanida Suudaan iyo arrimaheeda gudaha, iyada oo la raacayo sharciga caalamiga ah.

Soomaaliya, iyadoo ka jawaabaysa codsi ka yimid xukuumadda Suudaan ee fadhigeedu yahay Port-Sudan, waxay muujisay mowqifkeeda cad ee ku aaddan taageerada midnimada Suudaan.

Codsigan wuxuu ku baaqay in la cambaareeyo tallaabada ay Kenya ku martigelisay hoggaanka RSF oo doonaya inay Nairobi ka dhisaan dawlad ka soo horjeeda milateriga Suudaan. Inkasta oo Soomaaliya aysan si toos ah u magacaabin Kenya ama dhaqdhaqaaqyada ay martigelisay, haddana waxay si cad u caddaysay mowqifkeeda ah inay garab taagan tahay midnimada Suudaan iyo xasilinteeda.

“Soomaaliya waxay garowsan tahay muhiimadda ay leedahay xasilloonida Suudaan ee dhismaha nabadda iyo amniga gobolka. Sidaas darteed, waxay ku baaqaysaa in dhammaan dhinacyada Suudaan ay muujiyaan wada-hadal iyo is-afgarad, si loo ilaaliyo hay’adaha dowliga ah iyo xukunka sharciga ah, loona xaqiijiyo midnimada iyo deganaanshaha dalka” ayaa lagu yiri war kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya.

Sidoo kale, Soomaaliya waxay garab taagan tahay dadaallada goboleed iyo kuwa caalami ah ee lagu xasilinayo Suudaan, iyada oo dhiirrigelinaysa xal nabadeed oo waara, kaas oo horseedi kara amni iyo horumar ka hanaqaada Suudaan iyo guud ahaan gobolka.