Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa war ka soo saartay dadka soomaaliyeed oo ku xiran xabsiyada Sucuudiga, islamarkaana dil toogasho ah ugu xukuman dowladda dalkaas.
War qoraal ah oo ay soo saartaywasaaraddu ayaa lagu yiri” wasaaradda caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurku waxay si dhaw u la socotaa xaaladda sharci iyo midda bini’aadannimo ee maxaabiista Soomaaliyeed ee ku xiran dalka Boqortooyada Sucuudiga oo qaarkood ay ku xukuman yihiin xukunno dil ah iyo sanado badan oo xabsi ah”.
Warkan ayaa sidoo kale lagu sheegay in dowladda Soomaaliya ay dadaal badan ku bixinayso sidii wax looga qaban lahaa dadkaas xaaladahooda, islamarkaana ay noo socdaan wada-hadallo u dhexeeya labada dal oo diiradda lagu saarayo sidii ay maxaabiistaasi u heli lahaayeen matalaad sharci iyo taageero.




From the comments