U bood dhigaalka

𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐨𝐨 𝐚𝐧𝐬𝐢𝐱𝐢𝐲𝐞𝐲 𝐐𝐨𝐫𝐬𝐡𝐚𝐡𝐚 𝐈𝐬𝐛𝐞𝐝𝐝𝐞𝐥𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚 (𝐍𝐓𝐏 𝟐𝟎𝟐𝟓-𝟐𝟎𝟐𝟗)

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay kulan gaar ah, ayaa ansixiyey Qorshaha Isbeddelka Qaranka (NTP-2025-2029), si loo xaqiijiyo hiigsiga horumarineed ee dalkeenna u jiheystay.

Kulanka Golaha oo uu guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa sidoo kale ansixiyey Xeerka Dhismaha Xarunta Qaran ee Horumarinta Reer Miyiga iyo Xalka Waara iyo Siyaasadda Qaran ee Dhismaha Machadka Sare ee Tababbarka iyo Horumarinta Sharciga.

Xeerka Dhismaha Xarunta Qaran ee Horumarinta Reer Miyiga iyo Xalka Waara, ayaa mudnaan gaar ah u leh horumarinta reer guuraaga Soomaaliyeed, si loo helo hannaan horumarineed oo yareynaya saboolnimada iyo barakaca, isla markaana kobcinaya dhaqaalaha reer guuraaga.

Golaha ayaa ku bogaadiyey ciidamada qalabka sida iyo kuwa deegaanka guulaha ay ka gaareen dagaalka lagula jiro kooxaha Shabaab, iyaga oo ka hortagay dhagaro ay u maleegayeen bulshada Soomaaliyeed.