U bood dhigaalka

Maamulka gobolka Hiiraan oo abaalmarinno guddoonsiiyay rag macawislay ah oo dagaalka Alshabaab guula ka soo hooyay

Maamulka gobolka Hiiraan ayaa abaalmarin gudoonsiiyay xubno ka tirsan ciidamada Macawisleyda oo howlgal qorsheysan ku dilay dagaalameyaal ka tirsanaa Kooxda Al-shabaab, kaasi oo ay ka fuliyeen deegaanka Ceelka-baar ee dhaca galbeedka magaalada Beledweyne.

Guddoomiyaha gobolka Hiiraan Mudane Muuse Salaad Wehliye ayaa ciidankan fuliyay howlgalka ku wareejiyay laba qori oo AK-47 ah kuwaasi oo qeyb ka ah ballan-qaadyadii maamulka gobolka Hiiraan horay u shaaciyay.

Gudoomiyaha ayaa sidoo kale waxuu ballan qaaday in abaalmarinno la gudoonsiin doono cid kasta oo si firfircoon uga soo baxda kaalinta kaga aaddan la dagaalanka kooxda Al-Shabaab.