Ra’iisul Wasaare Xamsa oo Bogaadiyay Guulaha Ciidamada Qaranka iyo Kuwa Deegaanka

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa bogaadiyey guulaha ay gaareen Ciidamada Qaranka iyo kuwa deegaanka ee dagaalka ka dhan ah kooxaha argagixisada, kuwaas oo ku dhuumaaleysanaya deegaanno ka tirsan gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa ammaanay geesiyaasha naf-hurnimada u sameynaya difaaca dalkooda iyo dadkooda, isagoo xusay in ay taariikhda baal dahab ah ka geli doonaan.
Wuxuu hoosta ka xarriiqay in dagaalka lagula jiro kooxahaas uusan joogsandoonin, maadaama ay mas’uul ka yihiin daadinta dhiigga shacabka iyo burburinta hantida ummadda Soomaaliyeed.
“Waxaan bogaadinayaa guulaha isdaba-joogga ah ee Geesiyaasha Soomaaliyeed ee Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa deegaanka ay ka soo hoyeen furimaha dagaalka, iyada oo jab xoog leh la gaarsiiyey kooxaha argagixisada ah, lagana sifeeyey goobo badan oo ay ku dhuumaaleysanayeen, halkaas oo ay ku dhibaateyn jireen shacabka Soomaaliyeed,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaruhu.
Mudane Xamsa ayaa xusay in Xukuumadda DanQaran ay ka go’an tahay sidii dalka looga sifeyn lahaa kooxaha nabadda diiddan iyo in bulshada la gaarsiiyo adeegyada ay u baahan yihiin, maadaama ay kooxahaasi caqabad ku yihiin horumarka iyo nabadda Soomaaliya.