U bood dhigaalka

FBI-da Mareykanka oo qabatay nin Soomaali ah oo doonayay in uu ku biiro kooxda ISIS

Sheeko:War

Minneapolis, MN – Nin 22 jir ah oo lagu magacaabo Abdisatar Ahmed Hassan ayaa lagu eedeeyay inuu isku dayay inuu u safro Soomaaliya si uu ugu biiro kooxda ISIS bishii December.

Hassan ayaa la xiray Khamiistii, waxaana lagu soo oogay dacwad la xiriirta isku dayga inuu ISIS siiyo taageero iyo agab. Jimcihii ayuu ka soo muuqday maxkamad, waxaana la amray in xabsiga lagu sii hayo ilaa dhageysiga dacwadiisa oo la qorsheeyay Maarso 5.

Saraakiisha waxay sheegeen in Hassan uu labo jeer isku dayay inuu u safro Soomaaliya si uu ugu biiro ISIS, balse labadaba la fashiliyey. Wuxuu sheegay inuu u socday qoys, inkastoo uusan wax qaraabo ah ku lahayn Soomaaliya. Sidoo kale, wuxuu watay dukumeenti muujinaya dhalashadiisa iyo waxbarashadiisa.

FBI-du waxay baaritaan ku samaysay Hassan, waxayna heleen caddeymo muujinaya inuu baraha bulshada ku faafin jiray fikradaha ISIS. Waxa uu xiriir la sameeyay bog Facebook ah oo la yiraahdo Manjaniq Media Center, kaas oo ISIS u adeegsato qorista dagaalyahannada.

Sidoo kale, Hassan wuxuu amaanay Shamsud-Din Jabbar, oo ahaa ninkii weerarka argagixisada ah ka geystay New Orleans, Louisiana, Janaayo 1.
Bishii Febraayo 21, Hassan wuxuu soo dhigay muuqaal isaga oo gaari wada isla markaana haysta calanka yar ee ISIS. Wuxuu sidoo kale soo dhigay muuqaal kale oo uu wadayo gaari iyadoo mindi furan ay u saaran tahay dhabta. Febraayo 26, waxaa mar kale lagu arkay isaga oo wata calanka ISIS.

Lisa D. Kirkpatrick, oo ah Ku-simaha Xeer Ilaaliyaha Guud ee Mareykanka, waxay sheegtay: “ISIS iyo taageerayaasheeda khatar bay ku yihiin bulshadeenna. Qof kasta oo isku daya inuu taageero kooxaha argagixisada waa in lala xisaabtamaa.”
FBI-da Minneapolis ayaa xaqiijisay inay sii wadi doonaan dadaallada lagula dagaallamayo argagixisada, iyagoo la kaashanaya hay’adaha ammaanka.
Dacwadda waxaa gacanta ku haya xeer ilaaliyeyaasha Benjamin Bejar, Ryan White, iyo Charles Kovats, Jr.