U bood dhigaalka

Trump oo sheegay in madaxweynihii ka horreeyay uu ahaa kii ugu xumaa ee dalkaas soo maray

Sheeko:War

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay in madaxweynihii uu xilka kala wareegay Joe Biden uu ahaa hoggaamiyihii ugu xumaa ee soo maray taariikhda dalkaas.

Trump wuxuu Biden ku eedeeyay inuu oggolaaday inay Mareykanka soo galaan kumannaan muhaajiriin ah oo dambiilayaali ay ku jiraan, kuwaas oo ka soo gudbay xadka Koonfureed ee dalkaas.

Maamulka Trump ayaa wada howlgallo lagu tarxiilay soo galootiga sharci-darrada ku jooga Maraykanka, wuxuuna dalalka soohdinta la leh ku caddaalinayaa inay ka hortagaan in muhaajiriintu ay ka soo gudbaan.