Itoobiya oo ciidamadii ugu badnaa ku soo daabulaysa deegaanada Hirshabeelle
Sheeko:Warar & Warbixino

Sida ay qortay warbaahinta gudaha Itoobiya ciidamadii ugu badnaa oo ka tirsan militariga dalkaas ayaa la soo dhoofay soohdinta Soomaaliya iyo Itoobiya, gaar ahaan dhinaca gobolka Hiiraan.
Ciidamadan ayaa la sheegay inay fariisin ka dhigteen meel u dhow magaalada Feerfeer ee xuduudka Soomaaliya iyo Itoobiya, waxaana la filayaa inay gaaraan deegaanada Hirshabeelle ee uu ka socdo dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.
Wasiirka gaashasndhigga xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa dhowaan sheegay inay Itoobiya ka codsadeen inay taageero ka siiso dagaalka ay ciidanka xoogga dalka iyo kuwa deegaanku kula jiraan Alshabaab ee ka socda gobollada Hiiraan iyo shabeellada dhexe.