Goobjoog

Ciidanka oo dalka oo howlgal ay ka sameeyeen shabeellada hoose ku diley hoggaamiye sare oo ka tirsanaa Al-Shabaab

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Ururka 143-aad ee guutada 14-ka October ayaa howlgal qorsheysan oo ay fuliyeen ku ku dilay madixii kooxda Al-Shabaab uqaabilsanaa Sakawaadka iyo Sahanka deegaanka Beledul-amiin…

Ciidanka oo dalka oo howlgal ay ka sameeyeen shabeellada hoose ku diley hoggaamiye sare oo ka tirsanaa Al-Shabaab

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Ururka 143-aad ee guutada 14-ka October ayaa howlgal qorsheysan oo ay fuliyeen ku ku dilay madixii kooxda Al-Shabaab uqaabilsanaa Sakawaadka iyo Sahanka deegaanka Beledul-amiin ee degmada Afgooye.

Ninkan oo lagu magacaabi jiray Daa’uud Maxamed Maleele ayaa ka howlgali jirey tuulooyinka hoostaga deegaanada Sabiid iyo Beledul-amiin, si gaar ah dadka beeraleyda ah ayaa la sheegay inuu ka qaadi jiray Sakawaadka.

Ururka 143-aad ee Guutada 14-ka October ee Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa dhagarqabe Daa’uud ku dilay deegaanka Beledul-amiin ee Gobolka Shabeellaha Hoose, sida ay sheegtay warbaahinta ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya.

Goobjoog Newsletter

Ka hel Goobjoog wixii cusub.

Warar iyo falanqayn, iimaylkaaga.

From the comments