Ciidanka Amniga oo soo afjaray weerarkii Beledweyne iyo wararkii ugu dambeeyay khasaaraha ka dhashay weerarka

Ugu yaraan 10 ruux oo ay ku jiraan Nabadoono, Saraakiil Ciidan iyo Shacab ayaa ku dhintay qaraxii maanta lagu weeraray Guriga Nabadoonada ee maagaalada Beledweyne.
Ciidanka Ammaanka dowladda ayaa ku guuleystay in ay soo afjaraan Kooxdii gudaha u gashay guriga.
Kooxda weerarka soo qaaday oo ahaa Shan ruux ayaa dhammaantood la toogtay.
Waxaa sidoo kale la geeyay isbitaallada Beledweyne Shacab badan kuwaasoo ku dhaawacmay qaraxyada Beledweyne.
Ciidanka Ammaanka ayaa hadda baaritaano ka wadda Gudaha guriga.
Kooxda ayaa ku qaaday guriga weerar qorsheysan. waxaana Ciidanka ammaanka ay sheegeen in laba qarax ay goobta ka dhaceen.
Magaalada Beledweyne ayaa maalmihii lasoo dhaafay ku jirtid xaalad deganaan ah markii lagu wareejiyay amniga Ciidanka ammaanka dowladda Soomaaliya.