Faahfaahin Qaraxyo ka dhacay Beledweyne

Wararka naga soo gaaraya magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in maanta ay ka dhaceen weerarro is xigxigay oo sababay khasaare nafeed iyo mid hantiyeed.
Weerarka hore ayaa dhacay markii gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa lagu qarxiyay guri ku yaalla galbeedka magaalada, halkaas oo ay degganaayeen nabadoono iyo saraakiil ciidan. Intaas kaddib, rag hubeysan ayaa gudaha u galay guriga, taasoo keentay iska horimaad dhex maray iyaga iyo ilaalada guriga.
Daqiiqado kaddib, mooto bajaaj lagu soo xiray qarax ayaa lagu qarxiyay bannaanka hore ee guriga ku yaalla isla magaalada Baladweyne. Wararka hordhaca ah ayaa tilmaamaya in qaraxyadan ay sababeen dhimasho iyo dhaawac soo gaaray dad shacab ah iyo mas’uuliyiin, inkastoo tirada rasmiga ah ee khasaaraha aan weli la xaqiijin.
Ciidamada Amniga Beledweyne ayaa hadda la dagaallamaya kooxda Hubeysan ee ku jira gudaha guriga si loo badbaadiyo dadka halkaasi ku jira.