Maxaa looga hadlay kulanka Wasiirka amniga XFS iyo danjiraha Turkiga?

Maxaa looga hadlay kulanka Wasiirka amniga XFS iyo danjiraha Turkiga?
Wasiirka Amniga ee XFS, Cabdullaahi Sheekh Ismaacil (Fartaag), ayaa kulan afur ah kula qaatay magaalada Muqdisho Safiirka Dowladda Turkiga ee Soomaaliya, Mudane Alper Aktaş.
Kulankan afurka ah ayaa diiradda lagu saaray xoojinta wada shaqeynta dhinacyada amniga iyo iskaashiga istiraatiijiga ah ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Turkiga.
Safiirka Turkiga ee Soomaaliya, Mudane Alper Aktaş, ayaa adkeeyey sida dalkiisa uga go’an tahay taageerada Soomaaliya iyo inay sii wadi doonaan garab istaagga dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.
Dhankiisa, Wasiirka Amniga General Fartaag ayaa uga mahadceliyay Dowladda Turkiga taageerada joogtada ah ee ay siiso Soomaaliya, isagoo carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay sii xoojinta xiriirka labada dal.