Maxaad ka ogtahay heerarkii ay soo martay sameynta kaarka aqoonsiga qaranku ?

Soomaaliya waxa ay 35-kii sano ee u dambeeyay haystay aqoonsi la’aan keentay dhibaatooyin maamul, dhaqaale, siyaasadeed, iyo kuwo amni oo caqabad ku noqdey dowladnimada iyo horumarka.
Sidaas darteed dowladda Federaalka Soomaaliya laga soo billaabo 2014 waxay ku howlaneed abuuridda nidaam aqoonsi oo la jaanqaadi kara halbeegyada caalamiga ee aqoonsiga casriga ah kaas oo dadweynaha u sahlaya in ay helaan xuquuqda iyo adeegyada ay u baahan yihin.
Iyadoo dadaalladaas sare laga duulayo, Xukuumadda JFS ayaa 2019 meelmarisay Siyaasadda Diwaangelinta iyo Aqoonsiga Dadweynaha, kadibna Labada Gole ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa ansixiyey Sharciga Aqoonsiga iyo Diüwaangelinta Dadweynaha oo nidaaminaya Kaarka Aqoonsiga Qaran.
Nidaamka Aqoonsiga Qaranku wuxuu ku dhisanyahay Dastuurka, Sharciga Aqoonsiga iyo Diwaangelinta Dadweynaha, iyo Sharciga Dhawrista Xogta Dadweynaha. Nidaam sharciyeedkan ayaa damaanad qaadaya in dhammaan dadweynaha la siyo aqoonsi ay ku helaan adeegyada iyo xuquuqaha dastuuriga ah.
Sharcigu wuxuu xaq u siinayaa qof kasta in la siyo tirsi u gaar ah (Unique Identification Number) oo ka kooban kow iyo toban (11) lambar, kaas oo aan marnaba is bedeli doonin, waxa uuna noqonayaa summad lagu aqoonsado meel kasta uu joogo.
Xogta kaarku waa mid sugan oo amaan ah Xogta dadweynaha ee nidaamka aqoonsiga waxa lagu keydiyaa dalka gudihiisa iyadoo ilaalinteeda iyo maamulkeeda ay gacanta ku hayaan khubaro Soomaali ah oo loo carbiyay dhawrista xogta.
Shaqaalaha ka shaqeeya diiwaangelinta dadweynaha, iyo kuwa maamula xogta waa dad Soomaaliyeed oo la dhaariyay, mana geli karaan xogta dadweynaha waxna kama beddali karaan.
Kaarka Aqoonsiga Qaranka waa mid ka duwan Kaarka Codbixinta Waa Aqoonsi Qaran, waajib dowladeed oo ku xusan Dastuurka, taasoo xaqijinaysa in dadweynuhu helaan aqoonsi rasmi ah. Aqoonsiga Qaranku wax shaqo ah kuma lahan arimo siyaasadeed.
Wixii doorashooyin la xiriira oo uu ka mid yahay Kaarka codbixinta waxaa masuul ka ah Guddiga Madaxa bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha.
Diiwaan gelinta iyo bixinta Kaarka Aqoonsiga Qaranku hadda waa lacag la’aan iyada oo la tixgelinayo duruufaha dhaqaale iyo in ay muwaadiniinteenu helaan aqoonsi loo simanyahay isla markaana si mideysan looga bixinayo dalka oo dhan.
Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta JFS waxay ugu baaqaysaa dhammaan muwaadiniinta inay ka faa’ideystaan aqoonsigan casriga ah, si loo xoojiyo helidda adeegyada muhiimka ah, horumarka iyo sugidda nabadgelyada dalka. Wasaaraddu waxa ay ka digaysaa marin8 habaabinta iyo jahwareerinta bulshada ee khuseysa Kaarka Aqoonsiga Qaranka.