U bood dhigaalka

Dowladda Soomaaliya oo War rasmi ah kasoo saartay Shilkii Diyaaradeed ee ka dhacay Meel u dhow Muqdisho

Sheeko:War

Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed (SCAA) ayaa maanta xaqiijisay in diyaarad nooceedu ahaa DHC-5D Buffalo, diiwaangelinteeduna ahayd 5Y-RBA, ay ku burburtay meel qiyaastii 24km u jirta koonfur-galbeed Muqdisho.

War-saxaafadeed rasmi ah oo kasoo baxay SCAA ayaa lagu sheegay in shilku dhacay 14:43Z (5:43 galabnimo xilliga Muqdisho), iyadoo diyaaradda ay saarnaayeen shan qof, dhammaantoodna ay geeriyoodeen. Duullimaadka ayaa ka yimid Dhobley (HCDB), isaga oo kusii jeeday Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee Aadan Cadde (HCMM).

Diyaaradda ayaa waxaa maamuleysay shirkadda Trident Aviation Ltd, halka hay’adaha dowladda iyo la-hawlgalayaasheeda ay durba ka howlgaleen goobta shilka si ay u fuliyaan hawlaha baaritaanka iyo samatabbixinta.

Dowladda Soomaaliya waxay tacsi tiiraanyo leh u dirtay qoysaska iyo ehelada dadkii ku geeriyooday shilka, iyagoo ballan qaaday in ay si dhow ula socon doonaan wixii faahfaahin ah ee ka soo baxa baaritaanka shilkan.