Guddoomiyaha Midowga Afrika oo soo gaaray magaalada Muqdisho
Sheeko:War

Guddoomiyaha Midowga Afrika danjire Maxamuud Cali Yuusuf ayaa soo gaaray magaalada Muqdisho, waxaana garoonka diyaaradaha Aadan Cabdulle Cusmaan ku soo dhoweeyay masuuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya.
Guddoomiyaha Maxamuud Cali Yuusuf ayaa la filayaa inuu dowladda Soomaaliya kala hadli doona arrimaha howlgalka Midowga Afrika ee AUSSOM, xaaladda ammaanka, iyo sidii dalalka afrika ay u taageeri lahaayeen dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.
Guddoomiyaha oo hadda ku sugan caasimadda Muqdisho ayaa kulamo kala duwan la yeelanaya masuuliyiin dowladda, waana booqashadii ugu horreysay ee guddoomiyaha Midowga Afrika uu ku yimaado Soomaaliya taniyo markii la doortay todobaadyo ka hor.