Magaalooyinka waaweyn ee deegaanka Soomaalida oo korontadu ka go’antahay muddo todobaad ah
Sheeko:Warar & Warbixino

Magaalooyinka waaweyn ee deegaanka Soomaalida ayaa muddo ku dhow hal todobaad wajahaya xaalad Koronto la’aan ah, waxayna dadku safaf dheer dheer ugu jiraan goobo aad u tiro yar oo laga helo qalabka solar-ka ah ee dabka dhaliya.
Koronta la’aanta deegaanka ayaa lagu sababeen in deegaanka awash ee gobolka Canfarya lagu xaday qalabkii Korontada u qeybin jiray ismaamullada bari ee Itoobiya, wuxuuna adeeggani sidoo kale ka maqan yahay magaalooyinka Dira-dhabe iyo Harar.
Korantada ayaa caqabad ku noqatay nolosha dadka xilli lagu jiro bisha Ramadaan, islamarkaana heerkulka deegaannada Soomaalidu uu aad u sarreeyo, lama’se oga in arrintan si degdeg ah wax looga qaban doono iyo inay xal u heliddeedu waqti dheer qaadan doonto.