Maxaa laga ogyahay sheekada gabadha yar ee guurkeedu hadal-haynta dhaliyay ?

Saacadihii la soo dhaafay waxaa baraha bulshada si xoog leh u qabsatay sheekada gabar oo 8 jir lagu sheegay, taas oo nin aad uga da’ weyni uu muddo ku haystay guri ku yaalla magaalada Carma ee gobolka Bari sida qoyskeedu xaqiijiyeen.
Gabadhan yar oo lagu magacaabo Faadumo ayaa waxbarasho loo geeyay magaalada Boosaaso, ayadoo laga keenay deegaanka Hurdiya ee gobolka Bari, balse markii muddo 20 beri ku siman ay joogtay ayaa waxaa u yimid nin adeer ugu aaddan, kaas oo codsaday inuu xigtadeeda dhanka aabbe soo barayo, ka dibna wuxuu geystay magaalada Carmo halkaas oo uu ku guursaday.
Gabadhan yar oo ay hooyadeed dhimatay ayadoo aad u yar, ayaa waxaa korinaysay ayaydeed hooyo, balse waxaa la sheegay in guurkeeda uu aabeheed wax ka ogaa oo uu asagu ninka ku daray, sida qoyskiisu ay ku doodayaan.
Cod la sheegay in laga soo duubay aabaha dhalay gabadha, balse goobjoog aysan xaqiijin karin dhab ahaantiisa ayuu ku yiri ” gabadhu waa 12 jirkana anigaa siiyay oo ku mehriyay, si uu u korsado, waxna u baro, markay weynaatona xaas uga dhigto”, asagoo intaas ku daray in ninka uu gabadha siiyay uu yahay adeerkeed oo aanu wax dhib ah kula kacayn
Dhanka kale ninka gabadhan yar guursaday ayaa ah wadaad caanka ka ah magaalada Carmo, waxayna xogaha qaar tilmaamayaan in buunbuuninta dhacdadan ay wadaan dad asaga aragti diimeed uga soo horjeeda, balse doodda qoyska gabadhu middaa way ka duwan tahay.
Si kastaba ha ahaatee gabadhan yar ee lagu magacaabo Faadumo ayaa hadda xaaladeeda lagu baarayaa magaalada Boosaaso, ayadoo kiiskeedu uu hadal xooggan ka abuuray baraha bulshada iyo fagaareyaasha kale ee dadweynaha, ayadoo lagu tilmaamay mid kamida dhacdooyinkii ugu argagaxa badnaa markii la eego guurka qasabka ee carruurta yar yar.