Koox hubeysan oo darawal ku dilay Bar Koontarool oo Ku Taalla Moqokori

Waxaa saakay barqo hore lagu dilay deegaanka Moqokori Sakariye Shiiq Cali Carab oo ka mid ahaa wadayaasha gaadiidka u kala goosha Muqdisho iyo gobollada dhexe ee dalka.
Dilka marxuumka ayaa ka dhacay bar koontarool oo ku taalla degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan.
Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in koox ku sugnayd bartaas ay rasaas ku fureen gaadhigiisa, taasoo sababtay dhimashadiisa.
Lama oga sababta rasmiga ah ee dilkiisa, mana jiro ilaa iyo hadda war rasmi ah oo ka soo baxay hay’adaha amniga ee dowladda Soomaaliya.
Sakariye Shiiq Cali Carab wuxuu ahaa darawal caan ka ah gobolada dhexe gaar ahaan magaalada Cadaado.
Ehelka iyo dadka deegaanka ayaa ugu baaqay dowladda iyo hay’adaha ammaanka in baaritaan dhab ah lagu sameeyo dhacdadan, si cadaaladda loo horkeeno cidda ka dambeysay dilka marxuumka.