U bood dhigaalka

Dowladda Soomaaliya oo midowga afrika ka heshay gaadiid dagaal iyo saanad militari

Dowladda Soomaaliya ayaa Midowga Afrika kala wareegtay gaadiid dagaal oo gaashaaman iyo agab ciidan, kuwaas oo muhiim u ah xoojinta dagaalka ka dhankaah kooxdaAl-Shabaab, sugidda amniga iyo xasilloonida Gobolka oo door muuqda ay ku leeyihiin Ciidamada Qaranka Soomaaliyeed.

Safiirka Soomaaliya ee Itoobiya, ahna Ergeyga Joogtada ee Midowga Afrika, Danjire Cabdullaahi Maxamed Warfaa, ayaa gaadiidkaan iyo agabkaan magaalada Douala ee Dalka Cameroon uga guddoomay koox ka socotay saldhig qaaradeedka saadka ee Midowga Afrika ee magaceeda loo soo gaabiyo (CLB).

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa ay mahadnaq iyo bogaadin u diraysaa Midowga Afrika oo la garab taagan taageero joogto ah, taasi oo xoojinaysa amniga gobolka, la dagaalanka argagaxisada, xaqiijinta hiigsi-wadaagga loogu saldhigayo xasillooni waarta oo ka taabagasha guud ahaan Qaaradda Afrika.