Maxay ka dhigantahay ku biirista Soomaaliya ee Barnaamijka Siyaasadda Gaadiidka Afrika?

Soomaaliya ayaa si rasmi ah ugu biirtay Barnaamijka Siyaasadda Gaadiidka ee Afrika (SSATP), ka dib shirweyne ka dhacay magaala-madaxda dalka Benin ee Cotonou looga dhawaaqay in JFS ay ka mid noqatay Barnaamijkaas oo muhiimad weyn u leh guud ahaan qaaradda.
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Federalka Soomaaliya Bashiir Macalin Cali oo ka hadlay arrintan ayaa sheegay in tillaabadani ay qeyb ka tahay qorshaha Isbeddelka Qaranka ee ay waddo dowladda Soomaaliya.
Barnaamijka Siyaasadda Gaadiidka Afrika (SSATP) waa iskaashi caalami ah oo loo aas-aasay si loo fududeeyo horumarinta siyaasadda gaadiidka iyo dhisidda awoodda la xiriirta waaxda gaadiidka ee Afrika,
Waxaana qeyb ka ah 38 dal, 8 urur oo bulshooyinka dhaqaalaha gobolka ah, hay’ado ay dawladuhu maamulaan, kuwa gaarka loo leeyahay, iyo hay’ado horumarineed oo caalami ah.
Tan iyo markii la aasaasay, SSATP waxay noqotay madal loo aqoonsan yahay laguna ixtiraamo inay tahay golaha horumarinta siyaasadda gaadiidka ee ugu horreeya Afrika, oo isu keenaya go’aannada muhiimka ah, iyada oo la xoojibayo shabakadaha cilmi-baarista, hawl-wadeennada iyo la-taliyayaasha waaxaha gaadiidka qaaradda.
Soomaaliya oo jidadkeeda intooda badani ku burbureen dagaalladii Sokeeye, sidoo kalena u baahan waddooyinka ku xira dalalka kale qaaradda ayaa loo arkaa inay si weyn uga faa’iidi doonto ku biirista Barnaamijkan, haddii iskaashi dhab ah ay sameeyaan dowlaha iyo ururrada xubnaha ka ahi.