Bulshada Soomaaliyeed iyo Saamilayda siyaasadda oo si wadar jir u soo dhoweeyay gogashii uu fidiyay madaxweynaha dalku

Xilli dhowaan madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud uu dhowaan sheegay inuu gogol wada-tashi ku martigelinayo hoggaamiyeyaasha siyaasadda iyo waxgaradka bulshada ayaa waxaa arrintaas si weyn u soo dhoweeyay saamilayda siyaasadda iyo jilaayaasha aan dowliga ahayn.
Ka falcelin gogoshan oo midaysay mucaaradka iyo muxaafidka labada ayaa waxaa soo dhoweeyay madaxdii hore ee dalka, siyaasiyiinta saameynta leh ee ka aragtida duwan Xukuumadda, madaxda dowlad goboleedyada, iyo waxgaradka bulshada.
Dhammaan dadkii ka hadlay gogoshan ayaa tilmaamay in mar hore loo baahnaa in tillaabadan uu madaxweynuhu qaado, waxayna tilmaameen inay laga-maarmaantahay in loo midoobo halista uu dalku wajahayo iyo dagaalka Alshabaab.
Si kastaba ha ahaatee gogoshan oo ku dhawaaqiddeeda si weyn loogu bogaadiyay madaxweynaha ayaa dowladda lagu sugayaa shaacinta xilliga ay qabsoomi doonto iyo cidda ka qeybgalaysa, waxaana si gaar ah isha loogu hayaa qodobada wada-tashiga u baahan.