Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliyeed ayaa shaacisay in ay xoojisay dadaallada ka dhanka ah tahriibka, si loo badbaadiyo dhalinyarada Soomaaliyeed ee halis ugu jira safarro sharci-darro ah oo ay ku wajahaan Yurub, Aasiya, iyo Afrika.
Sida ay hay’addu sheegtay, “Toddobaadyadii la soo dhaafay, waxaa la hakiyay tiro dhalinyaro ah oo da’doodu u dhaxeyso 18-25 sano, kuwaas oo lagu qabtay iyagoo u socdaalaya qaaradaha Yurub, Aasiya iyo Afrika si sharci-darro ah.”
Sidoo kale, saddexdii bilood ee ugu dambeysay ee sanadkan 2025, hay’addu waxay xustay in ay ka hortagtay tahriibka 124 dhalinyaro Soomaaliyeed ah. “Waxaan diiwaan-gelinay in boqolaal dhalinyaro ah ay damacsanaayeen safarro tahriib ah, balse waaxdayadu ay ku guuleysatay in la joojiyo,” ayay tiri hay’adda.




From the comments