Maamulka Somaliland ayaa si adag uga falceliyey wararka sheegaya in Raysal Wasaare Xamse Cabdi Barre uu damacsan yahay inuu booqdo magaalada Laascaanood.
Wasiirka Warfaafinta Somaliland Axmed Yaasiin Somaliland ayaa sheegay in Raysal Wasaaruhu uu wato fitno aan ku salaysnayn Soomaalinimo”, isla markaana ay Somaliland kaga hortagi doonto qorshihiisa iyadoo adeegsanaysa xoog iyo xeelad.
“Raysal Wasaare Xamsow, fitnada aad abuurayso waxaanu kaga hortagi doonnaa xoog iyo xeelad. Waxaannu dalalka caalamka iyo kuwa dariska ahba ugu baaqaynaa in ay si dhab ah u eegaan waxa uu ninkaasi wato, Soomaalinimo midaysana kuma salaysna,” ayuu yiri Wasiirka.




From the comments